Month: February 2018

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ku jira shaqadooda maalin-laha ah

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo ku guda jira shaqo maalmeedkooda maalin-laha ah, ayaa maanta warbixin siiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Diiriye Samatar oo safar ku maqnaa.   Guddiga ayaa sidoo kale Tacsi uga u diray Guddoomiyaha oo dhawaan Xaaskiisii ay ku geeriyootay dalka Hindiya.   Dhinaca kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa guddiga uga waramay …

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ku jira shaqadooda maalin-laha ah Read More »

Ururrada is-diiwaangaliyay iyo hay’adda Creative oo xarunta TPEC ku kulmay

Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa xaruntooda dhexe ee magaalada Garoowe ku casuumay ururrada siyaasadda ee dhawaan is-diiwaangaliyay iyo madax ka socotay hay’adda Creative oo ka shaqaysa arrimaha dimuqraadiyadda. Kulankan waxaa furay Guddoomiye ku-xigeenka TPEC ahna ku simaha Guddoomiyaha, Maxamud Soofe Xasan, wuxuuna sheegay in guddigu howl badan kasoo qabtay nidaamka iyo sidii  ay isu diiwaangalin lahaayeen …

Ururrada is-diiwaangaliyay iyo hay’adda Creative oo xarunta TPEC ku kulmay Read More »

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo qaaday Imtixaanka Saddex Boos [Sawirro]

Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta xarunta dhexe ee TPEC ku leedahay magaalada Garoowe ku qaaday Imtixaanka saddex Boos oo ay soo codsadeen dad gaaraya Boqol Qof. Boosaskan oo kala ahaa; Communication Officer, Legal Adviser iyo Finance Officer, ayaa waxaa u fariista 22 qof. Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Liibaan Saalax Maxamud, ayaa furitaankii qaadista Imtixaanka ka …

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo qaaday Imtixaanka Saddex Boos [Sawirro] Read More »

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Madax ka socota hay’adda Creative

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maant magaalada Garoowe kulan kula yeeshay madax ka socotay hay’ad lagu magacaabo Creative Association oo ka shaqaysa arrimaha Dimuqraadiyadda. Guddiga iyo madaxdan ayaa waxaa dhexmaray kulan is-xog waraysi ah oo ku saabsan nidaamka geedi socodka Dimuqraadiyadda Puntland, waxaana xubnaha TPEC ay soo bandhigeen wax-qabadkii ay sameeyeen mudadi ay xafiiska joogeen, …

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Madax ka socota hay’adda Creative Read More »

TPEC iyo Ururrada Siyaasadda ee is-diiwaangaliyay oo kulan yeeshay

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa kulan la qaatay ururrada siyaasadda Puntland ee iska diiwaangaliyay xarunta dhexe ee guddiga. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii amba qaadi lahaa howlaha dimuqraadiyadda iyo qaabka ay labada dhinaca uga wada-shaqayn lahaayeen in laga miro dhaliyo dedaallada ay wado TPEC. Shirkan waxaa guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga KMG …

TPEC iyo Ururrada Siyaasadda ee is-diiwaangaliyay oo kulan yeeshay Read More »