Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Somalia mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta kormeer iyo indho indheen ku yimi xarunta dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.Madaxweynayaasha waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga mudane Abdirisak Ahmed Said iyo Xubnaha sare ee Guddiga waxa ayna warbixin ka siiyeen halka ay marinayaan Geeddi socodka Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland, sidoo kale waxa ay tuseen qaybta kaydka xogta (Data center) iyo qaybta diiwaangalinta codbixiyaha (Voter Rigestration) oo uu diyaar kuyahay qalabka casriga ah ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha waxa ayna ugu warameen habka uu u shaqeeyo.Ugu danbeyn Madaxweynayaashu waxay Guddiga uga mahadceliyeeen shaqada culus ee ay Dalka u hayaan.DHAMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.#codkaaguwaaxaqaaga#codkaaguwaamustaqbalkaaga





