Guddiga Doorashada Puntland oo Garoowe Shir ugu Qabtay Daneeyayaasha Siyaasadda [Sawirro]

GAROWE (TPEC)- Waxaa magaalada Garowe maanta 12 September, 2017 ka dhacay shir uu soo qabanqaabiyay Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland (TPEC), kaasi oo ujeedadiisu ahayd la tashiyo lala yeesho daneeyayaasha siyaasadda  Puntland iyo sidii loo dardargalin lahaa nidaamka Asxaabta badan.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Wasiiradda wasaaradaha Dastuurka iyo Warfaafinta Puntland, Qaar ka mid ah guddoomiyayaashii iyo asaasayaashii ururadii siyaasadeed ee 2013kii, Siyaasiyiin caan ka ah Puntland, Aqoonyahano iyo marti-sharaf kale oo daneeya arrimaha siyaasadda Puntland.

Shirka oo ka dhacay xarunta PDRC ee magaalada Garoowe, waxaa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar oo faahfaahin ka bixiyay shaqada guddiga, wuxuuna sheegay in labo shaqo oo kaliya loo igmay guddigu inay qabtaan , taasi oo ah diiwaangalinta ururadda siyaasiga ah iyo soo xulitaanka saddex xisbi siyaasadeed ee doorashadda dowladaha hoose ka dib rasmiga noqon doona.

Guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ah ee PUNSAA Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran)  oo kullanka ka hadlay, wuxuu tilmaamay in habka kaliya ee looga gudbi karo nidaamka qabaliga ay tahay in la taaba galiyo nidaamka Axsaabta badan, islamarkaana barlamaanku uu noqdo mid  matala dadweynaha Puntland, oo aysan noqon kuwa ku yimaada nidaamka qabaliga ah.

shirka wadatashiga waxaa kaloo khudbado ka soo jeediyay Wasiirka Cusub ee dastuurka Puntland Cabdifitaax Siciid Caynab iyo Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, waxay ku booriyeen siyaasiyiinta daneeynaysa inay dalka madax ka noqdaan ay furtaan ururo siyaasadeed.

Guddiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku tallaabsanayay hormar wanaagsan isagoo dedaal dheer ku bixiyay sidii loo wacyigalin lahaa bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta si loo hirgaliyo nidaamka axsaabta badan.

 

XAFIISKA WARFAAFINTA TPEC

GAROWE, Puntland

DHAMMAAD

———————————————

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *