GAROWE (T-PEC)- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta la kulmay guddoomiyihii hore ee guddigii KMG ah ee doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan shaqada guddiga.
Kulanka oo ka dhacay xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa waxaa la isku dhaafsaday khibrado ku aadan shaqooyinka uu guddigii hore qabtay, caqabadaha soo wajahay iyo qaabka loo gaari karo nidaamka axsaabta badan.
Maxamed Xasan Barre, Guddoomiyihii hore T-PEC, ayaa si faah faahsan guddiga uga waramay waxyaabihii ay qabteen isagoo u sharaxay nidaamkii hore ee ay ku shaqaynayeen.
Xubnaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa dhankooda weydiiyay su’aalo ku aadan qaabka ay usoo shaqeeyeen, waxay sidoo kale wax ka weydiiyeen qaar kamid ah shuruudaha xubnihii hore isticmaaleen iyo arrimo kale.
Waa kulankii ugu horeeyay ee labada dhinac yeeshaan, waxaana uu kusoo beegmay waqti yar uun kadib xilligii la ansixiyay xubnaha cusub ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.
XAFIISKA WARFAAFINTA
EE GUDDIGA