Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Madax ka socota Safer-world oo kulmay [Sawirro]

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga iyo madax ka socotay hay’adda Safer-world kuwaasoo kawada hadlay arrimaha dimuqraadiyadda Puntland.

Kulankan oo uu shir Guddoominayay ku-xigeenka Guddoomiyaha TPEC, Maxamud Soofe, ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen shaqooyinka horyaalla guddiga ee la doonayo in dhawaan lagu tillaabsado.

Madaxda ka socotay hay’adda Safer-world, ayaa sheegay inay diyaar la yihiin wax kasta oo lagu gaari karo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland gaar ahaan arrimaha farsamada.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga oo kulankaas soo xiray ayaa Madaxda safer-world uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen inay gacan siinta guddiga, wuxuuna ka codsaday inay taageeradooda sii wadaan.

TPEC MEDIA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *