Guddiga Doorashooyinka Puntland oo casho u sameeyay madax ka socotay Safer-world

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa hotelka Grand ee magaalada Garoowe, casho sharaf ugu sameeyay madax ka socota hay’adda Safer-world oo maalmahan howlo u joogay caasimadda Puntland.

Xafladda Cashada oo ay joogeen xubnaha Guddiga, ayaa lagu sagootinayay madaxdan oo muddooyinkii u dambeeyay guddiga kala shaqaynayay arrimaha hormarinta dimuqraadiyadda Puntland.

Cabdijaliil Daahir Af-qarshe oo kamid ahaa madaxda Safer-world ee cashada lagu casuumay, ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay la shaqaynta Guddiga.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland, Maxamud Soofe Xasan ayaa mas’uuliyiinta Safer-world uga mahadnaqay dedaalkeeda ku aadan hormarinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

Abdirazak Hayir

TPEC Media Officer

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *