Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka Dooday Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka [Dhagayso]

GAROWE (T-PEC)- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta ka dooday qodobo kamid ah Xeerka doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland, kuwaasi oo xubnuhu ku sameeyeen wax ka badal.

Kulankan oo shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Kismayo), ayaa lagu lafo guray qaar kamid ah xeerka, waxaana mid mid loo dul istaagay qodobada oo qayb kamid ah loo qaatay sidii loo qoray kuwana wax kabadal lagu sameeyay.

Guddiga ayaa barri isugu imaan doona kulan kale oo looga doodayo xeerkan, waxaana uu qayb ka yahay qorshayaal dib u eegis loogu samaynayo xeerarkii horay u sameeyeen guddigii hore doorashooyinka Puntland.

Guddoomiyaha T-PEC, Axmed Maxamed Cali, ayaa sharaxay waxyaabaha guddigu ka arrinsanayo, wuxuuna sheegay tan iyo markii Barlamanku ansixiyeen inay bilaabeen howlahoodii caadiga ahaaa islamarkaana dib u fiirin ku sameeyeen shuruucii horay loo quray, isagoo intaasi raaciyay inay hadda gacanta ku hayaan labada xeer ee kala ah; Xeerka ururrada siyaasadda iyo xeerka doorashooyinka golayaasha deeganka Puntland.

Axmed Kismayo, wuxuu xusay in ka doodista xeerarkan ka dib, dib u qori doonaan islamarkaana ku siyaadin doonaan waxyaabaha lagu soo kordhiyay, kana saari doonan qodobada laga reebay, isagoo xusay inay u gudbin doonaan marka howshoodu dhammaato Barlamanka Puntland si ay u meelmariyaan.

Arrintan, ayaa kusoo aadaysa xilli howlo badan horyaallaan guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo looga fadhiyo inay dalka gaarsiiyaan nidaamka dimuqraadiyaynta oo la filayo in lagu saleeyo doorashada madaxtinimo ee Puntland.

IMG_0974 IMG_0970 IMG_0968 IMG_0967 IMG_0964 IMG_0963 IMG_0961 IMG_0957 IMG_0953 IMG_0948 IMG_0944 IMG_0943 IMG_0940 IMG_0939 IMG_0936 IMG_0933 IMG_0932 IMG_0929 IMG_0925 IMG_0921 IMG_0918 IMG_0916 IMG_0909 IMG_0907 IMG_0906 IMG_0903 IMG_0900 IMG_0899 IMG_0897 IMG_0892 IMG_0891

XAFIISKA WARFAAFINTA

GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND

Posted in: News and Events