Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Madax ka socota hay’adda Creative

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maant magaalada Garoowe kulan kula yeeshay madax ka socotay hay’ad lagu magacaabo¬†Creative Association¬†oo ka shaqaysa arrimaha Dimuqraadiyadda.

Guddiga iyo madaxdan ayaa waxaa dhexmaray kulan is-xog waraysi ah oo ku saabsan nidaamka geedi socodka Dimuqraadiyadda Puntland, waxaana xubnaha TPEC ay soo bandhigeen wax-qabadkii ay sameeyeen mudadi ay xafiiska joogeen, iyagoo intaas ku daray inay dedaal iyo juhdi ku bixiyeen qaabkii ay isu diiwaangalin lahaayeen urarrada 5-ta ah ee maanta ka diiwaangashan xafiiska Guddiga.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland, Maxamud Soofe Xasan, oo shir guddoomiyay kulanka ayaa tilmaamay  in labada dhinac arrimo badan isla soo qaadeen iskuna afgarteen inay kawada shaqeeyaan sidii nidaamkan loo hirgalin lahaa.

Sarkaal ka socday hay’addan oo lagu magacaabo David, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kulanka uu la qaatay Guddiga, isagoo intaas ku daray inuu la kulmi doono ururrada is-diiwaangaliyay iyo bulshada rayidka ah.

Abdirazak Hayir

TPEC Media Office

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *