Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay ururrada siyaasadda ee is-diiwaangaliyay [Sawirro]

Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland, ayaa maanta kulan la qaatay ururrada siyaasadda ee dhawaan is-diiwaangaliyay.

TPEC, ayaa ururradan kala hadlaysay sidii loo dhammaystiri lahaa howlaha dhiman iyagoo ku booriyay inay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo ka hor inta aan la gaarin waqtiga kala saarista.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, oo shirka furay ayaa soo ururrada uga mahadceliyay inay kasoo qayb galaan kulanka, wuxuu tilmaamay inay hortaalo howl badan islamarkaana loo baahanyahay in si dhakhso ah loo qabto shaqooyinka dhiman

Ururrada ayaa sheegay in waxyaabo badan u diyaarsanyihiin islamarkaana diyaar u yihiin in guddigu booqdo xafiisyadooda sida uu qabo

Waxay sheegeen inay ka go’antahay ka miro dhalinta dedaalka guddigu wado ee ku saabsan taabo-galinta nidaamka axsaabta siyaasadda.

Guddiga iyo ururrada oo leh xiriir dhow oo dhinaca wada-shaqaynta ah ayaa dedaal dheer ugu jira sidii Puntland loo gaarsiin lahaa nidaamka axsaabta badan.

Kulankan ugu dambayn la isku afgartay in bisha April 15keeda la bilaabo booqashooyinka xafiisyada ururrada iyo hubinta waxyaabaha kale ee sharciyan loo baahanyahay.

TPEC MEDIA

tpecmedia@gmail.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *