Guddiga doorashooyinka Puntland oo shir ku qabtay Boosaaso [Sawirro]

BOOSAASO, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee T-PEC, ayaa shir wada-tashi ah oo ku saabsan hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Guddigu islamarkaana ka dhacay hotel Gacayte,  waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bari, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland, ku-xigeenkiisa, xubno katirsan T-pec, madax ka socotay hay’adda Saferworld, Dallada ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo qaybaha  kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee T-PEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirkaas ayaa sheegay in mudadii ay shaqaynayeen ku guulaysteen inay wacyigalin kala duwan ka sameeyaan Puntland islamarkaana diiwaangaliyaan ilaa saddex urur.

Cabdiraxmaan, ayaa intaas ku daray inay shaqadaan wadi doonaan ilaa dalka ay ka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah si looga baxo habkan qabaliga ah ee la isticmaalayay intii ay dhisnayd Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka PUNSAA, Mustafe Cabdullaahi Cabdi ayaa isna tilmaamay in Guddiga ay kala shaqeeyaan sidii loo wacyigalin lahaa bulshada oo loo fahamsiin lahaa muhiimadda nidaamka axsaabta badan, isagoo ka codsaday kasoo qayb galayaasha shirkan inay ku taageeraan wixii talo  iyo fikir ah oo ku saabsan socodsiintan barnaamijkan.

Isuduwaha Wasaaradda Dastuurka Puntland ee gobolka Bari, Maxamud Xidig Maxamed (Awaare), ayaa sheegay in wasaaraddu kala shaqayn doonto Guddiga sidii loo hormarin lahaa nidaamkan, isagoo xusay in goobo badan ay ka sameeyeen wacyigalin ku saabsan howlaha socda ee dimuqraadiyadda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bari, Axmed Cabdullaahi Cali Cirro, ayaa isna shacabka ugu baaqay inay taageeraan Guddiga oo kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, isagoo ka codsaday siyaasiyiinta inay furtaan ururro siyaasadeed mudada kooban ee ka hartay waqtigii loogu talo galay oo ku eg  31 December, 2017.

Gaba-gabadii kulankan waxaa talooyin iyo su’aalo soo jeediyay qaar kamid ah dadkii lagu casuumay shirkan kuwaasoo Guddigan ugu baaqay inay ka shaqeeyaan socodsiinta Barnaamijkan oo ay sheegeen inay aad u taageersanyihiin.

Shirkan Boosaaso ayaa qayb ka ahaan kulamo taxane ahaa oo Guddigu ku wacyigalinayay bulshada Puntland si horay loogu socodsiiyo hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda.

TPEC MEDIA

BOSASO OFFICE

tpecmedia@gmail.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *