Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay ururada is-diiwaangaliyay [Sawirro]

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland [TPEC], ayaa la kulmay ururada siyaasadda ee iska diiwaangaliyay xarunta guddiga kuwaasoo gaarayay tiro ahaan 4 urur.

Shirkan oo uu guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga ayaa diiradda lagu saaray sidii TPEC iyo ururada is-diiwaangaliyay uga shaqayn lahaayeen hirgalinta nidaamka Axsaabta badan ee la doonayo in la gaarsiiyo Puntland.

Guddiga iyo Ururada ayaa tilmaamay inay ka go’antahay sidii loogu tallaabsan lahaa nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo sheegay in taas lagu gaari karo wadajir iyo in laga shaqeeyo hormarka dalka.

TPEC MEDIA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *