Garowe: July 13 2022: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta hor tagay fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC Mudane Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta Baarlamaanka Puntland uga warbixiyay shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, Qorshaha Guddiga iyo caqabadaha jira, Sidoo kale Gudoomiyuhu waxa uu Baarlamaanka ka codsaday inay soo dhamaystiraan xubnaha Guddiga ee Baarlamaanku soo magacaabo iyo Maxkamada dastuuriga ah Puntland.DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.#codkaaguwaaxaqaaga#codkaaguwaamustaqbalkaaga
Halkan ka Daawo