Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya, Puntland iyo Ururrada siyaasadda oo kulmay [Sawirro]

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, shir kuwada qaatay Guddiyada Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, Puntland iyo ururrada dhawaan iska diiwaangaliyay magaalada Garowe ee heer Puntland.

Shirkan oo qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Guddiga Federaalka Soomaaliya kawadeen magaalada Garowe, ayaa ku saabsanaa nidaamka dimuqraadiyadda dalka iyo qaabkii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland oo shirka furay ayaa sheegay in kulankaasi ku saabsanyahay sidii dhinacyada kasoo qayb galay ay fikrado isu weydaarsan lahaayeen.

Maxamud Soofe, ayaa intaas ku daray in Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC oo xiriir la leh kan Qaranka ay kawada shaqaynayaan sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Qaar kamid ah ururrada shanta ah ee ka iska diiwaangaliyay TPEC, oo fikrado kala duwan soo jeediyay ayaa bogaadiyay in laga gudbo doorashada ku salaysan qabiilka, waxayna intaas ku daray in tijaabada koowaad laga bilaabo Puntland, maadaama doorashadeedu kasoo horayso tan Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Sayid Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in afkaarta laga qaaday dadweynaha qaybihiisa kala duwan iyo urrurada siyaasadda loo gudbin doono madaxda dalka, wuxuuna intaas ku daray inay daacad ka tahay sidii waddanka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Abdirazak Hayir

TPEC Media Officer

  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *