Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Hay’addaha maxalliga ah ee kala shaqeeya hirgalinta nidaamka Axsaabta badan ee Puntland.Kulankan ay soo qabanqaabiyeen waaxda wacyigalinta Guddiga oo uu shir Gudoominayay Guddoomiye KX Guddiga ahna ku simaha Gudoomiyaha mudane Cali Jaamac Faarax ayay ugu wada hadleen dardargelinta wacyigalinta Hanaanka Axsaabta badan iyo sidii loo gaarsiin lahaa dhamaan degmooyinka Puntland iyo deegaanada hoosyimaada si kor loogu qaado fahamka Bulshada.DHAMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.#codkaaguwaaxaqaaga








