Kulanka Billaha ah ee Guddiga iyo Ururada Siyaasadda

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulankoodii Billaha ahaa la yeeshay Ururadda Siyaasadda Puntland.Kulankan oo uu shir gudomiyey Gudoomiyaha Guddiga mudane Abdirisak Ahmed Said ayaa xubnaha sare ee Guddiga iyo wakiiladda Ururadda siyaasada Puntland uga wada hadleen dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen, warbixin guud oo xubnaha sare ee Guddigu ay kasiiyeen Ururadda shaqooyinka socda sida u diyaargarowga diiwaangelinta, wacyigalinta dadweynaha iyo wada shaqaynta daneeyayaasha Geeddi socodka Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland. Guddiga ayaa sido kale ururada usoo bandhigay calamadihii gaarka ahaa ee ururada horay usoo gudbisteen si loogu daro wacyigelinta dadwayna.Ugu damayn xubnaha Ururada uga qaybgalayay shirkan ayaa talooyin ka dhiibtay hawlaha socda iyo sida ay mihim u tahay wada shaqaynta iyo wada tashiga daneeyayaasha. kulanka ayaa kuso soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo laysku afgartay kor u qaadista wacyigelinta taaso ay ururadana qayb ka noqon donaan.DHAMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.#codkaaguwaaxaqaaga#codkaaguwaamustaqbalkaaga

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *