Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa saaka kulan kula yeeshay casumada Puntland ee Garoowe maamulka Gobolka Nugaal oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Mudane Cabdisalaan Xasan Xirsi, kan Degmada oo uu ugu horeeyo Duqa Caasimadda Mudane Axmed Siciid, guddiga joogtada ah ee golaha deegaanka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Garowe oo ay ugu horeeyaan cuqaasha, haweenka iyo dhalinyarada.
waxaa Guddiga uga warbixiyay qorshaha Guddiga ee ku aaddan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod oo Puntland ka qabsoonta.





TPEC Puntland
Garowe Office