Madax ka socota UNSOM oo la kulantay Guddiga Doorashooyinka Puntland [Sawirro]

Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa xafiiskooda magaalada Garoowe, manta ku qaabilay madax ka socotay xafiiska arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM

Wafdigan oo ay hogaaminaysay haweynayda la yiraahdo …. oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan UNSOM, waxayna kala hadlayeen guddiga halka ay marayaan shaqooyinka uu u hayo shacabka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa xubnahan warbixin ka siiyay shaqadii la qabtay iyo waxyaabaha horyaalla, isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashooda.

Sidoo kale xubnaha ka socday UNSOM, ayaa tilmaamay inay doonayaan waxyaabaha guddigu u baahanyahay si ay ugu soo bandhigaan caalamka, iyagoo xusay inay danaynayaan howlaha dimuqraadiyadda ee Guddigu gacanta ku hayo.

Booqashadan ayaa timid xilli todobaadkan horaantiisii guddigu shaaciyeen ururrada is-diiwaangaliyay kuwaasoo dhawaan la marin doono habka kala saarista.

TPEC

tpecmedia@gmail.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *