Registered Political Associations

Xogta Urur-siyaasadeedka Runta Iyo Caddaaladda oo kooban

Magaca ururku waa Runta iyo Caddaaladda (RunCad), labada erey ee Run iyo Caddaalad ayaana ururka u ah magac iyo mabda’ba, wuxuuna u taagan yahay in ay ummadda Soomaaliyeed hesho nidaam maamul oo runta la wadaaga, garsoorna ugu sameeya si caddaalad ah.

Nooca Ururka Runta iyo Caddaaladu, waa urur siyaasi ah oo aamminsan afkaarta iyo mabaadi’da ku salaysan wada-tashiga, isla markaasna waafaqsan shareecada Islaamka.

Ururka Runta iyo Caddaaladdu waa urur u taagan midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna Puntland.

Ururka Runta iyo Caddaaladdu wuxuu aamminsan yahay in ummadda Soomaaliyeed ay ku wada noolaato nabadgelyo, caddaalad iyo garsoor dhab ah.

Ujeeddooyinka Ururka Runta Iyo Caddaaladda waxaa saldhig u ah qodobbadan:

  1. Xoojinta, isku duubnida iyo isku-xirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  2. Adkaynta shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda suubban.
  3. Hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagula kala wareego hannaan-doorasho oo xor iyo xalaal ah.
  4. Dhammaystirka, hirgelinta iyo ku dhaqanka dastuurka fedaraalka ah oo dhowraya shuruucda dalka iyo nidaamka fedaraalka ah.
  5. Hirgelinta sinnaan iyo caddaalad buuxda ee bulshada dhexdeeda iyo sharciga hortiisa.
  6. Hirgelinta iyo xaqiijinta nidaam dowladeed oo ummaddu u siman tahay hoggaanka iyo metelaadda dalka, iyada oo la eegayo kartida, aqoonta iyo hufnaanta qofka, ee aan la eegin qolo (qabiil) iyo wixii la mid ah.
  7. Xaqiijinta baabbi’inta iyo tirtiridda nidaamka sharcidarada ah ee hayb-sooca, kaasoo ka soo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta dowliga ah.
  8. Kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ku jira, iyada oo la dhiirrigelinayo maalgelinta gaarka ah iyo suuqa xorta ah.
  9. Kor u qaadista arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, fanka iyo suugaanta, isboortiga iwm.
  10. Xoojinta xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dhallinyarada, dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay.

Hal-ku-dhegga Ururku waa:  “KAGA RAYSO RAFAADKA RUN IYO CADDAALAD”

WA-BILAAHI TOWFIIQ

                        

URUR SIYAASADEEDKA MIDEEYE

BARNAAMIJKA IYO UJEEDOOYINKA URURKA

 

 

Hordhac

MIDEEYE waa urur siyaasadeed u taagan illaalinta iyo ku dhaqanka mabaadii’da iyo qiyamka umadda, kuna shaqeynaya nidaamka dastuuriga ah ee Puntland, isagoo ka qayb-qaadanaya yagleelidda Puntland horumarsan oo talo wadaag ah, waddada loo maranaya ay tahay sixidda hab-maamulka, sugidda amniga, bixinta adeegga bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ragaadiyay dowladnimada Puntland.

Ururka Mideeye waxaa saldhig u ah hab-maamulkiisa sinnaan iyo caddaalad wuxuuna xil goonni ah iska saarayaa soo-celinta magacii iyo taariikhdii soo jireenka ahayd ee gobolada Puntland ku lahaayeen hirgelinta qaranimada Soomaaliyeed.

Mabaadiida iyo ujeedooyinka ururka Mideeye

  1. Diinta islaamku waa asaaska qaab-nololeedka ummadda Soomaliyeed iyo saldhigga qawaaniinta dalka, sida ku cad dastuurkana, sharci kasta oo khilaafsan shareecada islaamka waa waxba kama
  2. In caddaalad iyo sinnaan loo sameeyo dhammaan xubnaha mujtamaca, diididda  nooc  kasta  oo  dulmi  ah,  kala-soocid  isir, dabaqadeed iyo
  3. Ilaalinta wada-jirka iyo midnimada umadda, qaranimadeeda iyo madax-bannaanideeda.
  1. In ummaddu doorato maamulka iyo nidaamka ay rabaan, iyagoo u maraya habka is-doorashada iyo wada-tashiga.
  2. Ilaalinta, kobcinta  iyo  habsami  uga  faa’iidaysiga  kheyraadka dalka, islamarkaana loo qaybsado si caddaalad
  3. Illaalinta xuquuqda iyo xoriyadda shakhsiga, sida; xaqqa muujinta ra’ayiga, dhaliil-u-soo jeedinta hayádaha iyo laamaha dowladda, gelidda iyo ka qayb-qaadashada hanaanka siyaasadda ee
  4. Ururka Mideeye wuxuu mudnaan gaara ah siinayaa ixtiraamidda iyo aqbalidda kala duwanaanshaha aragtida iyo fikirka siyaasadeed, wuxuuna dhiirri gelinayaa xukun wadaagga, ku dhaqanka wada-tashiga iyo u hoggaansanka ra’ayiga aqlabiyada ee waafaqsan sharciga iyo caqliga
  5. In si wadajir ah looga wada shaqeeyo dib-u-dhiska dalka, horumarintiisa iyo abuurista fursado

Qaab-dhismeedka Ururka:

  1. Golaha Aasaaseyaasha
  2. Shirweynaha
  3. Golaha Dhexe
  4. Golaha Fulinta

Qorshaha waxqabad ee urur siyaasadeedka Mideeye

Ururka Mideeye isagoo ka duulaya mabaadiida iyo qiyamka uu aaminsan yahay waxaa loo dejiyay qorshe iyo waddadii lagu gaari lahaa u jeeddoyinka ururka.

Arimaha Diinta iyo dhaqanka

In la dhowro ku dhaqanka diinteenna suubban iyo daryeelka dhaqankeenna iyo hiddeheenna, wax kasta oo ka hor imanaya diinteenna iyo dhaqankeenna suubanna waa waxba kama jiraan.

Midnimada dadka Iyo dalka

Ururka Mideeye wuxuu ku dhisan yahay midnimada iyo madax bannaanida dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Wuxuu ururku ku dadaali doonaa oo halbowle u ah shaqadiisa, xoojinta midnimada dadka iyo dhulka Puntland. waxaa qof walba la siin doonaa xurmada iyo ixtiraamka uu mudan yahay, waxaana laga qayb gelin doono talada iyo ka talinta aayaha iyo kheyraadka dalkiisa.

Arrimaha siyaasadda Puntland

Ururka Mideeye waxaa loo aasaasay inuu noqdo xisbi hanta maamulka kuna hogaamiya bulshada ku dhaqan deegaamada hoos yimaada, maamul wanaag, hufnaan iyo cadaalad, waxaana ka go’an in la abuuro lana dhaqan geliyo hannaan maamul- siyaasdeed oo ku dhisan sinnaan, caddaalad iyo wax-qabad, lagana guuro hab maamulka ku dhisan afkaaraha gurracan ee ah; qabyaaladda siyaasadaysan, hayb sooca, xag-jirnimada diimeed, keli-talinta iyo is-caburinta.

 Adkaynta nabadgelyada iyo tayaynta ciidamada

Muhiimadda koowaad ee ururka Mideeye waa adkaynta nabadgelyada, si taas loo gaarana, waxaan xoogga saari doonnaa inaan dib u habayn ku samayno qaab-dhismeedka ciidanka iyo hawl-qabadkiisaba, sida in loo sameeyo tababarro iyo wacyigelin kor loogu qaadayo xirfaddooda iyo aqoontooda ciidannimo iyo in la soo saaro kaadiriin u carbisan gudashada waajibaadka saaran, helana xuquuqdooda oo ku filan.

  Dhaqaalaha Puntland

Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna Puntland illaahay waxa uu ku mannaystay kheyraad dabiici ah oo isugu jira kuwa dhulka dushiisa ceegaaga iyo kuwa gunta hoose dhex qotoma, waxay leedahay xeebta ugu dheer uguna khayraadka badan Soomaaliya. Waxay leedahay khayraad kale oo aad u fara badan sida: Xoolaha nool, Xabkaha iyo Macaadinta dabiiciga ah noocyadooda kala duwan. Waxay kale oo leedahay kaabayaal dhaqaale sida dekedda Boosaaso iyo Laamiga dheer ee dalka isku xira. Waxaa intaas u dheer in Puntland ay dhacdo bar istaraatiiji ah oo isku xirta waqooyiga, koonfurta iyo dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, taasoo ku habboon ganacsiga iyo kala gudbinta badeecadaha muhiimka ah.

Sidaa awgeed, haddii si wanaagsan looga faa’iideeyo khayraadkaas aan kor ku soo xusnay, waxay ku filnaan karaan baahida dadka reer Puntland iyo weliba tan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Haddaba, ururka Mideeye haddii Alle idmo wuxuu dhiirrigelin doonaa in la maalgeliyo mashaariic waxtar leh oo abuuri kara

shaqooyin, isla markaana kobcin kara dakhliga guud ee bulshada. Waxaa kale oo ururku dhiirrigelin doonaa warshedaynta, xannaanada xoolaha, baarista macdanta iyo beeraha.

Ururku wuxuu ku dadaali doonaa sidii uu u soo jiidan lahaa suuqyada gobolka iyo sidii looga dhigi lahaa Puntland goob hesha maalgashiga dibadda, gaar ahaanna in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qurbajoogta ahi maalgashadaan dalkooda hooyo.

 La Dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul xumada

Ururka Mideeye wuxuu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa, eexda, qabyaaladda iyo kooxaysiga dulmiga iyo danaysiga ku dhisan, wuxuuna dhisi doonaa maamul dawladeed oo ku salaysan hufnaan iyo isla-xisaabtan, iyadoo maamulka loo dhiibayo hawl wadeenno lagu soo xulay aqoontooda, kartidooda, hufnaantooda iyo khibraddooda.

Xiriirka dawladda federaalka iyo derisyada

Ururka Mideeye wuxuu aaminsanyahay nidaam is xukun oo ku dhisan habka Fedaraaliga ah, hadduu xukunka ku guuleysto wuxuu xiriir wanaagsan oo caafimaad qaba la yeelanayaa dawladda dhexe ee Federaalka Soomaaliyeed.

Wuxuu xiriir wanaagsan oo ku dhisan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi la yeelanayaa maamulada Soomaaliyeed ee deriska la ah Puntland, kaasoo dhinacyada oo dhammi uga wada faa’ideysan karaan si isku mid ah isla markaana u adeegaya danaha isa-suran ee shacabka ku nool maamuladaas.

Kor u qaadista adeegyada bulshada

Waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo korontadu waa adeegyada assaasiga u ah horumarka bulshada. Ururka Mideeye wuxuu dhiirrigelin doonaa in la helo adeegyadan oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba ka fiican sida ay hadda yihiin. Waxaa loo qoondayn doonaa idinka Alle miisaaniyad ku haboon adeegyadaan tooska u taabanaya nolosha shacabka.

Baahinta maamulka iyo adkaynta dimuqraadiyadda.

Ururka Mideeye wuxuu adkaynayaa habka ismaamulka bulshada ee ku salaysan hoos-ka-dhis, kor-u-dhis, (bottom-up approach).

Kaasoo suurta gelinaya in bulsho walba ee deegaan deggan ay danahooda iyo horumarkooda go’aan ka gaaraan.

Waxaa kale oo ururku ka shaqaynayaa sidii bulshadu uga qayb qaadan lahayd hab-dawladeed ku salaysan tartanka furan ee caafimaadka qaba. Tayaynta hay’adaha dawladda iyo dhiirrigelinta aqoonta, maadaama nidaamka dawladnimo u baahan yahay in lagu hogaamiyo aqoon iyo ammaano.

Dhibaatooyinka ugu badan oo fadhiidka ka dhigay maamuladdii Puntland soo marayna waxay ahaayeen, iyadoo xilalkii dawladda loo dhiibey dad aan ehel u ahayn. Haddii Rabbi idmo oo ururku ku guuleysto hogaanka dalka, jagooyinka dawladda waxaa loo dhiibi doonaa hawl-wadeenno ku haboon, aqoon ahaan iyo amaano ahaanba.

Awoodsiinta dhallinyarada iyo haweenka

Maadaama dhallinyarada iyo haweenku ay yihiin qaybaha bulshada ugu badan saamayn ba’anna ay ku yeesheen dhibaatooyinkii ka dhacay waddanka, ururka Mideeye si gooni ah ayuu xil isaga saari doonaa in loo sameeyo qorsheyaal lagu horumarinayo, waxayna si balaaran qayb uga noqon doonaan heerarka maamul ee heer urur, xisbi iyo heer xukuumadeedba.

Fadlan ka booqo Mareegta Ururka Halkan

 
  

Horseed Political Association

About Us.
Horseed is a pioneer political party mandated by Federal Member State
Puntland, in the Federal Republic of Somalia.

Horseed was first established and registered in following Puntland’s Mandate of political parties November 2012.

Garowe is the party’s headquarters with several branches across
Puntland region as well as a presence in the Somali Diasporas.

Our party has been established through mobilization and consultation with committed Somali individuals with a common vision for a better future in Puntland State. Our membership comprises some of the most notable political figures in Puntland, leading scholars, pioneers of social and political development in Puntland State, and the Federal Republic of Somalia. Our members comprise a diverse composition representing all constituencies in Puntland State.

We have united to strive for a common vision of peace, prosperity, justice, and equity for all Somali citizens in Puntland State. We urge you to join our struggle for a better Puntland.

Vision
Horseed envisions a free, united, peaceful, and prosperous state that is based on the principles of Islam, rule of law and fair development of all constituencies in Puntland State.

Mission
Empowering the people of Puntland state through advocacy for democratic Mission
Empowering the people of Puntland state through advocacy for democratic governance, fair distribution of resources, building institutional capabilities of the government, and promoting economic growth and development.

Core and Guiding Principles

Our guiding principles are founded on the Islamic religion, the constitution of Puntland State and other national laws and policies in the Federal Republic of Somalia.

We believe in equity and equality of all Somali citizens.
We strive for peace, stability, unity, and justice for all constituencies in Puntland State.
We respect the human rights and basic freedoms of citizens in Puntland State.
Every member of the party has a right to vote, and the right to be elected to political positions at the party.
We promote the practice of democracy, good governance, free economy, and improvement of social services
We are committed to the protection of our land and marine environments
We give the highest priority to maintain of our security services, development, social integration and peaceful cohabitation.
We promote the rights of our women and youth.
We promote the protection and responsible exploitation of our natural resources.

Fadlan si’aad u booqato mareegta Ururka guji halkan

 

URUR SIYAASADEEDKA IFIYE EE Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed

  1. HORDHAC

Urur Siyaasadeed IFIYE waxa uu u taagan yahay iftiiminta iyo horumarinta mustaqbalka bulshada reer Puntland. Ujeedaddiisu tahay in uu ka qabyqaato dhisimaha nidaam dawladdeed oo dimuquraadi ah oo casri ah, kuna qotoma dowladnimo dhab ah oo ay iska leeyihiin shacabka reer Puntland, rabitaankoodana ku go’aaminaya hannaanka dhaqan-dhaqaale, sharci iyo

Urur siyaasadeedka Ifiye waxuudiyaar u yahay hanashada hoggaanka si kor loogu qaado adeegyada bushada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta nidaam siyaasaddeed oo ku dhisan talo-wadaag iyo rabitaanka muwaadiniinta si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dowlada Puntland.

2.     Aragtida Ururka (Vision)

  1. Aragtida Ururku waa taabogelinta bulsho horumarsan, xasiloon, lehna hanaan siyaasad oo daahfuran iyo islaxisaabtan, dhaqaale furfuran oo madaxbanaan, iyadoo bulshada loo jaheynaayo ka faa’iideysiga kheyraadka dalka.

2.      Ujeedooyinka Ururka(Objectives)

Ujeedada urur siyaasadeedka Ifiye ayaa ah:

  • Dhismaha iyo horumarinta hay’adaha maamulka dawliga ah,saraynta iyo illaalinta sharciga si loo helo cadaalad looguna sinaado fursadaha iyo adeega dawlada.
  • In la baahiyo xukunka lana gaarsiiyo ilaa heer degaan si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah, kala danbeyn ku saleysan sharciga, iyo horumarka miyi iyo magaaloba ah;
  • In la dhiirrigeliyo wax soosaarka, iyo kobcinta horumarka dhaqaalaha, lana xaqiijiyo cadaaladda wadaagga kheyraadka dalka, si loo gaaro horumarka Muwaadinka iyo kan Danta Guud;
  • In la yareeyo aqoondarida iyo saboolnimada, lana ciribtiro qabyaaladda, iyadoo la horumarinayo waxbarashada, cilmi baarista, hiddaha iyo dhaqanka, daryeelka caafimaadka, ilaalinta deegaanka.