Shirkii Hormarinta Istaraatiijiyada Guddiga TPEC oo soo xirmay [SAWIRRO]

GAROWE (TPEC)- Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland lagusoo gaba-gabeeyay kulan qaatay Afar cisho oo u socday guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, kaasoo looga hadlayay hormarinta Istaraatiijiyadda guddigaas oo soo bilowday bil ka hor.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen xubno katirsan TPEC, khuburo caalami ah iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ayaa diiradda lagu saarayay sidii hormarin loogu samayn lahaa Istaraatiijiyadii ay diyaariyeen khuburo iyo la taliyaasha dhinaca sharciga ee guddigan.

Qabsoomidda aqoon isweydaarsigan waxaa iska kaashaday TPEC, hay’adda Saferworld iyo dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee loo yaqaano PUNSAA.

Guddoomiye ku-xigeenka TPEC, Maxamuud Soofe Xasan, ayaa xiritaankii shirkan u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda shirkan isagoo tilmaamay in qorshahan uu muddo soo socday.

Dhinaca kale qaar kamid ah ka qayb galayaashii Barnaamijkan ayaa tilmaamay in samaynta Istaraatiijiyadda Guddiga ay leedahay macno-weyn oo u baahan in la dar-dargaliyo, waxayna ugu baaqeen in barnaamijkan lasii wado.

TPEC, ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal ay ku doonayaan in Puntland laga hirgaliyo nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiyadda, si shacabka Puntland usoo doortaan madaxda ay rabaan iyagoo u maraya nidaamka 1 qof iyo cod.

TPEC MEDIA
GAROWE OFFICE
tpecmedia@gmail.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *