Soo Dhammaystirid Shuruudaha Isdiiwaangelinta Wajiga 2aad.

Tix: GDP/042/20                                                                                Taariikh26/05/2020

Ku: Dhammaan Ururda Siyaasadda PL.

Ujeedo: Soo Dhammaystirid Shuruudaha Isdiiwaangelinta Wajiga 2aad

Aniga 00 tixraacaya qoraalkii hore ee Ururada aan la wadaagnay 09/04/2020 summadiisuna ahayd GDP/032/20 kuna saabsanaa hakinta shirarka ay Ururadu iskugu keenayaan qaybaha bulshada si 100 ilaaliyo badqabka dadka loona yareeyo faafitaanka caaquba CoVID19, Guddigu wuxuu qiimayn joogto ah ku waday hadba heerka xaaladda caaqubuqu ay marayso. Guddigu wuxuu sidoo kale kulan la yeeshay Talaado 27/05/2020 Guddiga Dawladda Puntland u qaabilsan ka hortagga caabuqa CoVID19 si uu ugala tashado habraacyada 100 marayo badqabka bulshada xilliyada ay socdaan shirweynaha Ururadu ay qabsanayaan asbuucyada soo socda.

Ka dib qiimaynta uu Guddigu sameeyay iyo talooyinka ay ka heleen Guddiga ka hortagga caaquba ee Puntland, waxaa dib u-eegis lagu sameeyay go’aanadii ku xusnaa warqaddii GDP/032/20 ee lagu hakinayay shirweynayaasha Ururada iyo kulamada lala yeelanayo bulshada. Guddigu wuxuu soo saaray go’aanada soo socda:

  1. In Ururuadu ay soo gudbiyaan shuruudaha wajiga 2aad ugu dammayn 22ka bisha 6aad 2020.
  2. In Ururadu ay qabsadaan shirweynahooda ka hor 22 ka bisha 6aad 2020, si waafaqsan habraacyada ku xusan qodobka 3aad.
  3. Si 100 xaqiijiyo badqabka bulshada, shirweyne kasta 00 Urur qabsanayo waxaa waajib ah in la raaco habraacyada ay bixiyeen Guddiga ka hortagga caaquba CoVID19, habraacyadaas oo ah:
    1. In dadka kasoo qaybgalaya shirweynaha ay ilaaliyaan kala fogaanshaha isku jirsadaan ugu yaraan 1 mitir.
    1. In qofwalba sanka iyo afka uu duubto inta uu ku jiro goobta shirweynaha.
    1. In Urur walba uu diyaarsado koox caafimaad oo baarta heerkulka qofwalba ka hor inta uusan/aysan gelin goobta shirka.
    1. In Urur walba uu diyaariyo goob fayadhowr 00 gacmaha lagu dhaqdo, ama la keeno dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo (hand sanitizers).      
    1. In goobta shirweynaha lagu dhajiyo ugu yaraan 4 poster 00 ka hadlaya wacyigelinta ka hortagga caaquba.
    1. In qof walba 00 ka shakisan xaaladdiisa caafimaad uusan imaan goobta shirweynaha.
    1. In ajendaha shirweyne kasta lagu daro kalmad wacyigelin ah 00 Wasaaradda Caafimaadku kula hadlayso dadka kasoo qaybgalay shirwenaha.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan Ururada in ay si guul ah ugu soo dhamaato soo buuxinta shuruudaha.

#CodkaaguWaaXaqaaga
#CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

TPEC Puntland.

Garowe Office.

Posted in: News and Events