T-PEC iyo xubno katirsan beesha caalamka oo shiray [Sawirro]

GAROWE(T-PEC)- Kulan ballaaran oo dhexmaray guddiga doorashada Puntland iyo xubno kala duwan oo ka socda dalalka taageera Somaliya gaar ahaan dhinaca dawlad wanaagga iyo nidaamka axsaabta badan ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Shirka oo lagu wada xirirayay qalabka la iska arko ee loo adeegsado shirarka, ayaa dhinaca dawladaha reer galbeedka waxaa uga qaybgalay wakiillo ka socday Midowga Yurub, safaaradaha dawladaha USA, Germany, UK, Finlad, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha doorashoyinka iyo xubno kale.

Dhinaca kale, waxaa iyana kulankan qayb ka ahaa wakiillo ka socday xafiiska arrimaha siyaasadda ugu qaabbilsan Somaliya ee Puntand, hay’adaha PDRC, Interpeace, PUNSA,  wakiilka midowga Yurub ee Puntland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara labada dhinac, ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii la isu xogwaraysan lahaa islamarkaana guddigu usoo bandhigi lahaayeen tallaabooyinka ay qabteen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Axmed Maxamed Cali, oo shirkaasi ka jeediyay warbixin dheer ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii uu soo maray guddiga doorashada Puntland laga soo bilaabo markii la dhisay, qorshahooda, hawlaha ugu muhimsan ee waqtigan horyaalla, caqabadaha jira iyo baahiyaha muhiimka ah ee guddiga.

Doodo kala duwan iyo su’aalo ku aaddan sida ugu macquulsan ee loo hirgelin karo mashruuca doorashooyinka Puntland ayaa kulankaas la isku waydaarsaday iyadoo xoogga la saaray caqabadaha iman kara iyo siyaabaha looga badbaadi karo ama looga gaashaaman karo.

Maadaama uu wadahadalkani ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara guddiga doorashada Puntland iyo dawldaha taageera Somaliya, ayaa waxaa lagu ballamay in mustaqbalka dhow lasii wado kulamada islamarkaana la abuuro hannaan wada shaqayn oo dhexmara guddiga doorashada Puntland iyo dalalka maalgeliya arrimaha doorashoyinka Somaliya.

IMG_9570 IMG_9574 IMG_9579 IMG_9584 IMG_9587 IMG_9593 IMG_9603 IMG_9605 IMG_9609 IMG_9612 IMG_9619 IMG_9620 IMG_9626 IMG_9627 IMG_9631 IMG_9634 IMG_9638 IMG_9640 IMG_9641 IMG_9644 IMG_9651 IMG_9663 IMG_9667 IMG_9670 IMG_9672 IMG_9680 IMG_9693 IMG_9702 IMG_9705 IMG_9706 IMG_9708 IMG_9736 IMG_9738 IMG_9745

Xafiiska warfaafinta ee guddiga doorashooyinka Puntland

Info@t-pec.org

WWW.t-pec.org

Posted in: News and Events