TPEC iyo Safer-world oo heshiis wada gaaray [SAWIRRO]

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa heshiis la gaaray hay’adda Safer-world, taasoo muddooyinkii dambe Guddiga kala shaqaynaysa arrimaha dimuqraadiyadda.

Kulan ka dhacay xarunta dhexe ee Guddigu ku leeyahay magaalada Garoowe, ayaa labada dhinac ku gaaray heshiis muddo soconaya oo ku aadan sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha TPEC.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen Guddoomiye ku-xigeenka TPEC, Maxamud Soofe iyo wakiil ka socday hay’adda Safer-world, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin wada shaqaynta cusub ee dhex-mari doonta.

Heshiiskan ayaa yimid xilli guddigu uu mudooyinkii dambe kor u qaaday Barnaamijyada la xariira hannaanka dimuqraadiyadda Puntland.

Abdirizak Hayir

TPEC Media officer

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *