TPEC iyo Ururrada Siyaasadda ee is-diiwaangaliyay oo kulan yeeshay

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa kulan la qaatay ururrada siyaasadda Puntland ee iska diiwaangaliyay xarunta dhexe ee guddiga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii amba qaadi lahaa howlaha dimuqraadiyadda iyo qaabka ay labada dhinaca uga wada-shaqayn lahaayeen in laga miro dhaliyo dedaallada ay wado TPEC.

Shirkan waxaa guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Maxamud Soofe Xasan, waxaana kala qayb galay mas’uuliyiinta guddiga iyo qaar kamid ah xubnaha urrada is-diiwaangaliyay.

Kulankan ayaa la isku af-gartay in laga wada-shaqeeyo qaabkii loo dhammaystiri lahaa howlaha dhimman islamarkaana waxaa la bogaadiyay howlaha ay qabteen Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Abdirazak Hayir

TPEC Media Officer

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *