TPEC oo qabatay dood ku saabsan samaynta Strategic plan-ka guddiga [Sawirro]

GAROWE (TPEC)- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa maanta dood u qabtay xubno kasocda wasaaradaha dowladda iyo xafiisk xuquuqul insaanka, waxaana looga hadlayay sidii ay talo bixin uga samayn lahaayeen Qorshe howleedka {Strategic Plan} guddigan uu ku shaqayn doono saddexda sano ee soo socota, kaasoo hadda gacanta lagu hayo samayntiisa.

Shirkan waxaa furay Guddoomiyaha TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, waxaana goob joog ka ahaa; Wasiirka Warfaafinta Puntland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wakiilo kasocday, wasaaradaha, Haweenka, Caddaaladda, Maaliyadda, Dastuurka iyo xafiiska difaacaha xuquuqul insaanka.

Guddoomiyaha TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid muhiim u ah shaqada guddiga isagoo tilmaamay in doodan ay u sameeyeen si barnaamijkan uu u noqdo mid hirgalintiisa ay gacan ka gaysteen dhammaan hay’adaha ay khusayso.

“Muddo waxaa gacanta ku haynay samaynta Staratigic plan guddigu ku shaqayntoono saddexda sano ee soo socota, intiina meesha fadhida waxaana idiin ku yeernay inaad talo ku yeelataan si barri shaqadan aysan u noqon mid guddiga kaliya uu samaystay,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay inay qaadan doonaan doorkooda ku aadan ka shaqaynta wacyigalinta iyo baraarujinta dadweynaha, si nidaamkan u noqdo mid ka hirgala Puntland.

“Aad iyo aad ayaa u soo dhaweynayaa shirkaan, sababto ah Puntland mustaqbalkeeda weeye,” Cabdi Xirsi.

Qaar kamid ah xubnaha ka hadlay doodan ayaa soo bandhigay talooyin kala duwan kuwaasoo ay sheegeen inay ka qayb qaadan karto hormarinta dimuqraadiyadda islamarkaana looga gudbi karo caqabadaha jira.

TPEC MEDIA, Garowe Office
tpecmedia@gmail.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *