Urur Siyaasadeedkii 5aad oo iska diiwaan-galiyay TPEC

GAROWE, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa diiwaangaliyay Urur siyaasadeedkii 5aad oo qayb ka noqonaya qaabka lagu gaari karo nidaam dimuqraadi ah.

Ururkan is-diiwaangaliyay ayaa lagu magacaabaa AARAN, wuxuuna kamid noqon doonaa Afar urur oo horay isu diiwaangaliyay.

Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa soo dhaweeyay ururka cusub ee soo biiray, waxayna uga mahadceliyeen dedaalkooda ku aadan inay qayb ka noqdaan hayaanka looga guurayo qaabka qabiilka ee loo aadayo dimuqraadiyad.

Guddiga ayaa sidoo kale siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan waqti kordhintii dhawaan la sameeyay.

Muddo kordhintii uu dhawaan sameeyay guddiga ayaa gabo-gabo ku dhow, waxaana la filayaa marka ay diiwaangalintu xiranto in la kala saaro ururradan.

Abdirazak Hayir

TPEC Media Officer

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *