Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha TPEC oo dib ugu laabtay Garoowe

GAROWE (TPEC)- Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, ayaa dib ugusoo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safar shaqo oo muddo dhowr cisho ah ugu maqnaayeen caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xubnahan katirsan TPEC, ayaa casumaad ka helay Guddiga Doorashooyina Heer Federaal, waxayna kawada hadlayeen arrimo ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaamka dimuqraadiyadda.

Dhawaan ayay ahayd markii xubno katirsan Guddiga Federaalka Soomaaliya ay la kulmeen dhigooda Puntland kadib booqasho ay ku yimaadeen magaalada Garoowe, waxayna kawada hadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka Puntland 2019 iyo kuwa Soomaaliya ee 2020.

TPEC MEDIA

GAROWE OFFICE

tpecmedia@gmail.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *