Waxa kulan kuyeeshay xarunta PDRC Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo ururrada siyaasadda.

Waxaa maanta 14 June 2020 kulan ku yeeshay xarunta PDRC Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo ururrada siyaasadda.

Shirka waxaa looga hadlay dhammaystirka shuruudaha wajiga labaad ee diiwaangalinta ururrada Siyaasadda iyo sida looga taxadari lahaa halista cudurka Corona.

Guddiga Doorashada ayaa ururrada la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in shuruudaha lagu soo dhammaystiro waqtigii horey loogu qoondeeyay ee ahaa 22 June 2020 marka laga reebo qodobka Shirweynaha Ururrada oo dib loogu dhigey 22/Jully/2020 si loo dhowro bedqabka caafmaad ee bulshada puntland.

#CodkaaguWaaXaqaaga.
#CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

TPEC Puntland.

Garowe Office.

Posted in: News and Events