Garowe, 04-september-2022: Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Guddiga ahna kusimaha Xoghayaha Hon Liban Gegiror ayaa maanta xarunta PDRC ugu soo xiray Ururudda Siyaasadda Puntland tababarka Doorka haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ee ka qaybgalka siyaasadda loo dhanyahay ee Doorashooyinka Qof iyo Codka ah.Tababarkan oo socday muddo laba cisho ayaa waxaa iska kaashanayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Hay’adda KAALO oo ka mid ah Hay’addaha maxaligga ah ee Guddiga kala shaqeeya arrimaha Doorashooyinka.DHAMAAD.XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.#codkaaguwaaxaqaaga









